Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Shaqo joojin lagu sameeyay

Wasiirkii Waxbarashada Dowlada Puntland,waxaa laga joojiyay Shaqada Dhawr Bilood ka hor.

Sababta looga joojiyay,waa Laba arimood oo kala ah…

1.Xamar oo uu tagey kulana kulmay Wasiir Faarax Cabdiqaadir,iyadoo looga digay Wasiirada PL xataa in aysan sii mari karin.

2.Khariiradan muujinaysa Sool iyo Sanaag in ay yihiin SL oo uu isagu siiyay Qandaraaska Shirkada soo daabacday Buugaagtaas oo si buuxdana ay u ahayd masuuliyadiisa.

Haatan,Buugaagtaas,waxaa hakiyay Golaha Wasiirada PL,waxaana dib loogu celiyay Shirkadii Daabacday.

Shaqada Wasaarada,waxaa sii wada Wasiir ku xigeenka,halka Wasiirkii shaqada laga joojiyay ku laabtay Qoyskiisii iyo Minisota.

Dhawaan,ayaa la filayaa in Wasiirka Waxbarashada iyo kan Amniga la magacaabo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading