Wasiirkii Arrimaha Dibedda Somaliland oo is casilay

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa maanta si rasmiya isaga casilay jagadaasi.

Faratoon, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay madaxweyne Biixi, oo isaguna ka aqbalay.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo u sharraxan golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tago xarunta Kulmiye si uu u diiwaan geliyo Musharraxnimadiisa.

Waa mas’uulkii labaad ee maanta iska casila xukuumadda Biixi, si ay isugu sharraxaan Wakiillada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading