Wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya ee xilka laga qaaday oo hadlay

Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda waxa uuna booskiisa u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ah Wasiirka shaqada laga eryay ayaa sida tan bartiisa Facebooga ku soo qoray

”Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.”

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in wasaarada uu culeys siyaasadeed saaran yahay.

”Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.”

Xil kaqaadista ayaa timid kadib markii Raysulwasaaraha Soomaaliya uu isku shaandeyn ku sameeyay gollahiisa wasiirada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading