Wasiirkii Hub ka dhigista Maamulka Hirshabelle oo geeryooday

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Marxuum Axmed Cumar Gaabow Sh Libbi sidoo kalena ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle oo Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Wasiir Xildhibaan Sh Libbi ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii 2016 xiligaasi oo La unkay Dowladda Hirshabelle.

-DHAMMAAD-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading