Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Puntland oo gaaray Daaru-salaam (Sawirro)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq oo ay Wehliyaan
Guddiga Dhismaha iyo soo xulista Golaha deegaanka Degmooyinka Bursaalax iyo Galdogob ayaa safar shaqo ku Tagey Deegaanka Daaru-salaam ee degmada Goldogob, Gobolka Mudug.

Guddiga oo ka kooban Wasiiro Iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland Maamulka Gobalka Mudug iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa waxaa deegaanka Daaru-salaam martiqaad casuumaad ah ugu sameeyey Suldaan Cabdirashiid Muuse Shire oo kamid ah isimada Puntland.

Ujeedka safarka Guddiga ayaa ku saabsanaa sidii suldaanka warbixin uga siin lahaayeen halka ay u marayaan Hawlaha soo xulista Dhismaha Golayaasha deegaanka Degmooyinka Galdogob iyo Bursaalax.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading