Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Puntland oo gaaray Degaanka Kuwayt (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Musadaq oo ay Wehliyaan Guddiga Dhismaha iyo soo xulista Golaha deegaanka Degmada Bursaalax ayaa safar shaqo ku tagey Deegaanka Kuwayt ee degmada Bursaalax Gobolka Mudug.

Guddiga oo ka kooban Wasiiro Iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa waxaa deegaanka kuwayt ku soo dhaweeyey- boqalaal kamid ah shacabka Deegaanka oo ka kooban qeybaha kale duwan ee bulshada deegaanka iyo Maamulka Degmada Bursaalax.

Ujeedka safarka Waftiga ayaa ku saabsan wacyi galinta dhismaha Golaha deegaanka Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading