Wasiiro Somaliland ah oo ku sugan Badhan & Dhahar

Wasiiro ka socda Somaliland ayaa ku sugan magaalooyinka Badhan iyo Dhahar ee goballada sanaag iyo Haylaan ee Puntland.

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Hormarinta Reer miyiga Somaliland ku sugan yahay magaalada Dhahar ee caasimadda gobalka Haylaan, halka Wasiirka Arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland uu joogo magaalada Badhan.

Xubnaha ka socda Xukuumadda Somaliland oo ka soo jeeda degmooyinka Badhan iyo Dhahar ayaa kulamo la leh waxgaradka iyo odayaasha degmooyinkaas, kuwaas oo la sheegay inay kala hadlayaan siddii gacanta Somaliland ay u soo gali lahaayeen labada degmo.

Degmooyinka Badhan iyo Dhahar ayaa waxaa gacanta ku heysa Puntland, iyadoo ay ku sugan yihiin Ciidammo katirsan Puntland, kuwaas oo ah boqolaal.

Puntland ayaa weli ka hadlin Wafuuda Somaliland ee jooga degmooyinka ay ka taliso ee goballada Sanaag iyo Haylaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading