Wasiiro Somaliland oo lagu horJoogo Hadaaftimo Sanaag!!

Wasiirka Gaadhanhiga maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi Ciise Ahmed Y.Xawar ayaa Xalay Guduudi si dhuumasho ah ku galay Hadaaftimo isaga oo la soo hadlay Suldaan Saciid Cabdisalaam oo Hadaaftimo fadhiisin u ah.
 
Puntland ayaa ka war heshay markii ay Tuka-raq ka soo Baxeen waxaana loo diray Gaadiid Dagaal oo Sanaag joogay Ogaalkay Taliyihii Aaga Sanaag ee Puntland Coll Cashuur wuxuu Fasax u joogaa Dalka Hindiya hase ahaatee wuxuu Amray ciidamadiisa inay Talaabo Qaadaan
 
Wasiirka Somaliland waxa weheliya Taliyaya Booliska G.Sanaag ee maamulka Jeegaanta Ahmed Gigiroor & Dhowr Gaadhi oo Tigniko ah ujeedkiisanu wuxuu ahaa inuu Badhan isku soo Sawiro Sidii uu Taangigii Tukaraq Sawirka ugu soo Galay Si Muuse Biixi loo tuso in Dhulkii la Xoreeyay.
 
Ahmed Haaji Ali Cadami oo ahaa Wasiirkii hore Gaashanadhiga maamulkii Siilaanyo Wuxuu ahaa Waayeel Xaajo-gal ah oo Maskaxdiisa ku maareeya xalaadaha Siyaasadeed ee Gobolka Marnaba kama aysan Suuroobi jirin in uu Colaad & isku dhaca ka abuuro Gobolka.
 

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading