Wasiiru Dowlaha Cadaalada Oo qaabilay Waftiga Qaramada midoobey

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka dawlada Putland ayaa qaabilay wafti ka socda Qaramada Midoobey, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay Mr Adam Abdelmoula.

Wasiirka,ayaa ku bogaadiyey waftiga shaqada Qaramada Midoobey ay ka hayso Puntland,wuxuuna usoo jeediyey in waxqabadka bani’aadanimo lagu saleeyo baahiyaha ka jira Deegaanada iyo xaaladaha bani’aadanimo ee la darsay.

Sidoo kale Wasiir Dinix waxuu kala hadlay waftiga Qaramada midoobey arimo ay ka.mid yihiin sida ugu haboon ee lagu Dhamaystiri karo Dastuurka Soomaliya iyo sidii Puntland looga taageeri laha hormarinta Hay’addaha Cadaalada.

Waftiga oo booqday xarumo kala duwan,ayaa Puntland ku amaanay nidaamka Dowliga ah iyo doorka nuuqda ee ay uga jirto dib usoi kabashada Dowladnimada Somaliya.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading