Wasiiru dowle ku guulaystay dooarshadii Dhuusamareeb Ee kursiga Xildhibaanimo

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin uu ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
 
Kursigaan waxaa ku tartamayey Sadex Musharax oo kala ah Cabduulaahi Faarax Weheliye, Maxamed Cilmi Afrax iyo Cabdulle Faarax Xirsi.
 
Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa helay Codad gaaraya 28-cod, halka Maxamed Cilmi Afrax uu helay 17-cod, waxaana guddigu ay sheegeen in Musharax Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3-cod, iyadoo Sadex cod oo kalena ay halaabeen, sidaasina waxaa Kursiga loo tartamayey ee Golaha Shacabka ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye.
 
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo natiijada ku dhawaaqday ayaa sheegtay in Doorashadu ay u dhacday sidii loogu talo galay, islamarkaana dadkii ka qeyb galay ku amaantay hanaanka ay u ilaaliyeen shuruucda Doorashada.
 
Musharax Cabdullaahi Faarax Weheliye oo doorashada ku guuleystay ayaa uga mahad celiyey Guddiga sida wanaagsan ee Doorashada loo maamulay, waxaana ku bogaadiyey Musharaxiintii la tartamay sida ay u aqbaleen Natiijada.
 
Kursiga loo tartamay ee Golaha Shacabka waxaa ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo dhawaan ku geeriyooday dalka India.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading