Wax badan ka ogow kulankii Farmaajo iyo Wasiirka A.Kenya

Inkastoo uu Wasiir ahaa hadana waxaa qaabilay Madaxweyne Farmaajo.

Qorshuhu waxuu ahaa in Uhuru yimaado Muqdisho casuumad horay loogu diray isagoo ka jawaabaya.

Balse Uhuru casuumadaas kama soo jawaabin,waxuuna badalkiisii soo diray Wasiirkiisa Arimaha gudaha.

Waxa ugu weyn ee laga wada hadlay waa dajinta xaalada xuduuda ee ay Dowlada Villa Somaliya ay kicisay markii eedayn aan xog rasmi ah ku fadhiyin ay dusha ka saartay Dowlada Kenya.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo kulankii Farmaajo iyo Wasiirka Arimaha gudaha Kenya,waxaa lagu casumay Nayrobi Farmaajo.

Farmaajo waxuu aad u danaynayaa xiriir dhow oo uu la yeesho Uhuru maadaama uu xiligan sii luminayo Abiye.

Sidoo kale go’doominta Jubaland,ayuu Farmaajo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayaa.

Markii la qiimeeyo xaalka siyaasadeed ee Gobolka Kenya wax weyn uma aragto xiriir dhow oo ay la yeelato Farmaajaha xilku kasii dhamaanayo.

Sidoo kale Kenya taageerideeda Jubaland mahan mid ay gorgortan ka galayso.

Mala fili karo in isfahan deg-deg ah uu dhexmaro kooxda Villa Somaliya iyo Kenya.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading