Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahaan hawlo-shaqo u joogay Gobolka Sanaag ayaa maanta shir kula qaatay Hotel Ally ee Badhan, Nabadoonada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sanaag.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta nabadgalyada, bixinta canshuuraha, dhameystirka Wadada Ceel-daahir – Ceerigaabo iyo arimo badan muhiim u ah horumarka Gobolka Sanaag.


Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.