Weerar gaadmo ah oo lagu qaaday Ciidamo Jubaland ka mid ah

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weer maleeshiyo ka tirsan ururka Al-shabab ay shalay duhuradii ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Weerarkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Kismaayo iyo deegaanka Beerxaani oo 60 km galbeedka ka xiga ayaa waxaa la soo warinayaa inay ku dhinteen in ka baan 10 ka mid ciidamada maamulka Jubbaland, ku dhawaad 10 kalena wey ku dhaawacmeen.

Weerarka ayaa ku bilowday miinooyin lala beegsaday kolonyo ay ciidamadan la socdeen, waxaana qaraxu haleelay laba ka mid ah gaadiidkii kolonyada.

Qaraxyada ka dib ayaa waxaa labada dhinac dhex maray israsaaseyn muddo 20 daqiiqo ka badan socotay.

Lama oga khasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray maleeshiyada Al-shabab ee weerarkaasi dhaba galka ah fuliyay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading