Weerar ka dhacay gudaha xabsiga Dhexe Ee Muqdisho

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wararka aan ka helenyo Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa sheegaya in dhaawac fudud uu soo gaaray nin u dhashay dalka Biritan oo toddobaadkii hore loo gudbiyey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdishu kadib markii lagu eedeeyey inuu halis geliyey nabadqabka dadweynaha iyo inuusanshaacinin walxaha qarxa oo uu haystay xilli uu isku dayayey inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.Ninkan ayaa la sheegay inay weerareen laba ka tirsan maxaabiista xabsiga oo lagu helay dambiyo la xiriira argagixisinimo.

Thomas oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray weerar Sakiimo loo adeegsaday oo ay labbadaa Maxaabis kale ay ku qaadeen.

Maxaabiista labada ah ayaa waxaa horaan loogu maxkamadeeyay falal argagixiso waxaana lagu xukumay min toban sano oo xabsi ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo iyadu xirtay ajnabigaan u dhashay Ingiriiska ilaa iyo haatan kama aysan hadal sida ay ku dhacday in xabsiga dhexe lagu weeraro Thomas


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading