Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Pakistan leeyihiin

Milateriga Pakistan ayaa sheegay Sabtida maanta ah weerar ay malayshiyo hubaysan ku qaadeen saldhig lagu tababaro ciidamada cirka ee magaalada Mianwali ee bartamaha dalkaasi uu waxyeelo gaarsiiyay saddex diyaaradood, waxaana uu weerarku yimid maalin ka dib weeraro dhawr ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ka mid ah oo lagu dilay 22 qof, oo u badan askar.

War ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen saddex ka mid ah dableydii weerarka qaadday ka hor inta aysan gudaha u gelin saldhigga, ayna lix kale ku dileen iska-horimaad xigay. Waxa ay ciidanku sheegeen in “jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah ay ciidamadu ku bixiyeen” si ay u fashiliyaan weerarka “argagixiso” iyo “hubinta amniga iyo ammaanka shaqaalaha saldhigga.”

“Si kastaba, intii uu weerarku socday, waxaa sidoo kale dhacay burbur soo gaaray saddex diyaaradood iyo booyad shidaal” ayay ciidanku ku sheegeen bayaanka ay soo saareen.

Koox cusub oo mintidiin ah oo lagu magacaabo Tehreek-e-Jihad Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Kooxda ayaa dhowr jeer oo hore weeraro qaraxyo ah ku beegsatay ciidamada ammaanka. Waxaa ka mid ahaa weerar bishii Luulyo lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaal koonfur-galbeed gobolka Baluchistan oo lagu dilay 12 askari.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading