Hal qof iyo eedeysanaha weerarka geystay ayaa dhintay kadib weerar mindi loo adeegsaday oo Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Haifa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Waa weerarkii ugu horreeyay ee dhimasho sababa ee ka dhaca Israa’iil tan iyo markii xabbad-joojinta Gaza la bilaabay bishii Janaayo.
Weerarkan wuxuu dhacay maalin kadib markii Israa’iil ay xannibtay gargaarkii la geyn lahaa Marinka Gaza, xilli la isku maandhaafsanaa kordhinta heshiiska xabbad-joojinta ee dhulka Falastiiniyiinta.
Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta, oo socday lix toddobaad, ayaa dhammaaday dhamaadkii toddobaadkan. Heshiiskaas wuxuu suurageliyay in gargaar muhiim ah—cunto, hoy, iyo adeegyo caafimaad—la gaarsiiyo Gaza.
Go’aanka Israa’iil ee hakinta gargaarka ayaa keenay in Qaramada Midoobay ay ugu baaqdo Israa’iil inay si degdeg ah u soo celiso gargaarka.
Weerarkii Isniinta ayaa ka dhacay xarunta baska iyo tareenka ee Haifa, magaalo xeebeed weyn oo ku taalla waqooyiga Israa’iil, halkaas oo ay ku wada nool yihiin Yuhuud iyo Carab.
Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil, Magen David Adom, ayaa sheegtay in nin da’diisu ku dhowdahay 70 sano uu ku dhintay weerarka, halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Booliska Israa’iil waxay weerarka ku sifeeyeen inuu ahaa “fal argagixiso,” iyagoo sheegay in dambiilihii la dilay. Waxay sidoo kale shaaciyeen in ninka weerarka fuliyay uu ka tirsanaa beesha Druze ee Carabta Israa’iil.
Xigasho:-VOA
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.