Weeraro iyo Qaraxyo laga sameeyay Safaaradaha Israa’iil Ee Iskaandeneefiyaanka

Booliska dalalka Sweden iyo Denmark ayaa sheegay in ay baarayaan toogasho iyo qaraxyo xalay laga maqlay meelo u dhow safaaradaha Israel ay ku leedahay Stockholm iyo Copenhagen.

Dalka Denmark, laba qarax,ayaa xalay laga soo sheegay “meel u dhow” safaaradda Israel ee Copenhagen, sida uu saaka saxaafadda u sheegay afhayeenka booliska Denmark Jakob Hansen.

Dalka Sweden, booliska ayaa xaqiijiyey in safaaradda Israel ee Stockholm lala beegsaday toogasho habeenkii Talaadadii, ka hor 6:00 maqribnimo.

Lama soo sheegin cid wax ku noqotay labada dhacdo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading