Weeraro kale oo ka dhacay Badda Cas oo waayahan xaalkeedu kacsan yahay

Maamulka badaha ayaa baadhaya weeraro kala duwan oo la sheegay in lagu qaaday markab marayey biyaha badda cas, gaar ahaan, meel u dhow goobaha ay Xuutiyiintu ay weerarada maraakiibta ka geystaan.

Hawlgalka ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay inay heleen, xog tilmaamaysa, qarax ka dhacay meel 174 KM woqooyi galbeed kaga beegan dekedda Xudayda ee dalka Yemen, weerarkaas oo dhacay subaxnimadii Salaasada.

Warbixintan ayaa timi, saacado yar ka dib, markii laba qarax oo kale lala beegsaday isla markabkan, xilli uu marayey meel 117 KM u jirta xeebta Xudayda, sida laga soo xigtay shirkadda dhinaca ammaanka badaha ee Ambrey.

Weerarka koowaad ayaa loo adeegsaday walxo qarxa, hase ahaatee, waxaa lagu qarxiyey meel u dhow markabka, waxaana shaqaalaha markabku ay arkeen doonyar oo samaynaysa dhaqdhaqaaqyo ay ka shakiyeen, taasoo doonaysa inay aad ugu soo dhowaato markabka.

Waxaana markaas ka dib dhacay qaraxa labaad.

Xuutiyiinta ayaa bilaabay hawlgalladooda, tan iyo markii ay Israa’iil weerarada ku qaadday marinka Qaza, si ay garab istaag ugu muujiyaan Falastiiniyiinta.

VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading