Wefti ka socda Boqortooyada Sacuudiga oo gaaray Garowe

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Maareeyaha Arrimaha Afrika Mu’asasada Boqor Salmaan ee Dalka Sacuudiga Mudane Yuusuf Bakheet Rahmah.

Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa kulanka kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay sidii mu’asasadu gacan uga geysan lahaayeen Abaaraha saameeyey deegaanada Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintan boqashada ay ku yimaadeen Puntland, wuxuuna Wasaaradaha ay shaqadoodu khuseyso uu faray in lala fududeeyo wixii farsamo shaqo ah.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading