Wefti sare oo ka socda Care oo lagu qaabilay Qasriga Madaxtooyada PL

Garoowe: 08 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Gary Mackuk iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Qorshaynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo La-taliye Madaxweyne, ayaa looga hadlay
dardargelinta Mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Dowladda iyo Hay’adda Care International, sida Horumarinta Waxbarashada Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading