Weftiga M.xigeenka oo kulamo muhiim ah la qaatay Madaxda Wadamada Yurub

Madaxweyna ku xigeenka Puntland, Wasiirka Beeraha,Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah,waxaa lagu soo dhaweeyay Wadanka Jarmalka.

Si gaar ah,waxay ula kulmeen Madaxda Dowlad Gobaleedka North Rhine–Westphalia Düsseldorf ee Jarmalka.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka North Rhine,ayaa qaabilay M.xigeenka Dowlada Puntland.

PL iyo DG Noth Rhine,waxay ka siman yihiin ku dhagnaanshaha Nidaamka Fadaraalka oo Labada DG ay ku gaareen guulo waa weyn.

DG North Rhine-Westphalia,waxa uu sameeyay horumar baaxad leh oo mudan in laga tusaale qaato oo laga faa’idaysto,waxayna PL uballanqaadeen iskaashi buuxa.

Talaabo loo baahnaa ayay ahayd in Dowladu wakhtigeliso xiriirka caalamiga ah iyo Qurba joogta,waxayna ka mid ahaayeen Qodobadii lagu dhaliilay hogaaminta MW Deni oo wax laga qabtay…

1.Xiriirka Caalamiga iyo Qurba joogta.
2.Albaabada in loo furo Bulshada Gudaha.

MW Deni,waxa uu ku jiraa booqasho uu ku marayo Gobolada si uu ula kulmo Bulshada ugana dhagaysto cabashadooda.

Weftiga M.xigeenku hogaaminayo,waxay booqasho ku joogaan Yurub,iyagoo kasoo bilaabay socodkooda Xarunta Midowga Yurub ee Belgium oo ay Jaaliyada iyo Madaxda Midowga Yurub kula kulmeen.

Sidoo kale weftiga,waxaa uqorshaysan in ay maraan Sweden,Norway,Finland iyo UK.

Maraykanka, waxaa maraya wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulamo waa weyn la yeeshay Jaaliyadaha iyo Dowlada Maraykanka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading