Weftigii Itoobiyaanka oo si Tahriib ah ku galay Hargaysa

Ra’isalwasaare xigeenkii Itoobiya Demeke Mokenen ee ay ahayd in uu hogaamiyo weftiga Hargaysa imaan lahaa Maanta,wuxuu joogaa Switizerland oo uu kaga qaybgalaya Shirweynaha World Economic Forum.

Xubnaha Hargaysa gaaray,waxay kusoo galeen si tahriib oo kale ah,mana lahayn maqaam Diblomaasiyadeed iyo soo dhaweyn maqaamkeedu sareeyo,waxaana xataa lagu dhici waayay in la shàaciyo muuqaalkooda.

Kadib ku celintoodii Adis,waxay dib usoo raaceen Diyaaradii Rakaabka siday si la mid ah Dadka caadiga ah.

Loolankii Maanta ee booqashada Hargaysa,waxaa ku adkaatay Dowlada Somaliya oo si cad umuujisay in SL ay tahay Maamul iyada hoos yimaada.

Abiy iyo Dowladiisa hab dhaqankoodan foosha xun wax macna ah oo uu usoo kordhinayo majiraan.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading