Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xukun lagu riday

Maxkamad Turkish ah ayaa maanta ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku talo-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muwaadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas maanta weriyey warbaahinta gudaha.

Sidoo kale,waxaa lagala noqday Ruqsada Gaari wadida ee Turkiga muddo Lix bilood ah.

Maxkamadda,ayaa ku heshay Maxamed Xasan Shiikh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa Aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin kadib.

Dacwad-oogayaasha Turkiga,ayaa soo saaray amar xiritaan oo caalami ah kadib markii Booliska ay ogaadeen in wiilka Madaxweynaha uu dalka ka baxay.

Bixitaankiisa,ayaa caro ka dhaliyey warbaahinta mucaaradka Turkiga, kuwaas oo ku eedeeyey dowladda inay Maxamed u ogolaatay inuu dalka ka baxsado, si ay u ilaaliso xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Si kastaba, wiilka madaxweynaha ayaa maalmo kahor ku laabtay dalka, si uu Maxkamadda uga hor marqaati furo.

Maxkamadda Istanbul,ayaa maanta Talaado ah ku xukuntay Maxamed Laba Sano iyo Lix bilood oo Xabsi ah, taasi oo loo beddelay Ganaax Lacageed oo dhan 27,300 lira ($900), sida uu weriyey taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV.

Xukunka,ayaa dhacay ayada oo Wiilka Madaxweynaha Somaliya uu ka maqnaa Maxkamadda.

Dacwad-oogayaasha Turkey ayaa doonayey lix sano oo xabsi ah.
In xukunada xabsi loo beddelo ganaax waa wax si joogto ah uga dhaca hanaanka garsoorka ee Turkey.

Maxamed ayaa sidoo kale lagala noqday shatiga gaari wadista ee Turkey muddo lix bil ah. Xukunka ayaa dhacay ayada oo Maxamed uu ka maqnaa maxkamadda.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading