Video:-Wikileaks oo sir cusub ka faafisay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA

Shabakadda Wikileaks ayaa baahisay macluumaad ku saabsan waxa ay ku sheegtay farsamooyin badan oo hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-du u adeegsato in ay xogta kagala baxdo kombuyuutarrada.

Farsamooyinkan la sheegay in ay CIA-du adeegsato ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin barnaamijo si fudud sirta ugala bixi kara Windos, Android, iOS, OSX iyo Linus oo dhamaantood ah habab ay kombuyuutaradda iyo telefoonnada gacantu ku shaqeeyaan.

Software-yadan wax lagu basaasayo ayaa la sheegay in CIA-du samaysatay laakiin waxa kale oo la sheegay in laanta sirdoonka ee UK ee MI5 ay gacan ka siisay CIA-da in ay samaysato barnaamijyo ay kula socon karto TV-yada Samsung.

Af-hayeen u hadlay ayaa sheegay in CIA-du aanay xogtan soo baxday xaqiijin karin.

“Ka hadli mayno in qoraalladan lagu sheegay in ay yihiin xogo sirdoonku leeyihiin ay yihiin sax iyo in kale” ayuu yidhi.

Af-hayeen isna u hadlay wasaaradda arimaha gudaha Ingrisiika ayaa isna sheegay in aanu ka hadli karin arrintan.

Wikileaks waxay sheegtay in ay xogta ka heshay cid ay ku kalsoontahay ujeedada baahintuna tahay in laga doodo in CIA-du ka tallowday xadkii awoodaheeda sharcigu siiyey iyo in kale,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

Xigasho BBC


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Video:-Wikileaks oo sir cusub ka faafisay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading