Xaaf oo xilkii ka qaaday Wasiir dhaliilay DF Soomaaliya (Akhriso)

Madaxweynaha Dwolad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xil-kaqaadis ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Ee Maamulka Galmudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in xilka qadis lagu sameeyay Wasiirkii Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud, waxaana uu amray in uu Xilka sii heyn doono Wasiiru Dowlaha Wasaarada inta laga magacaabayo Wasiir kale.

Madaxweyne Xaaf ayaa wareegtada kasoo baxday Xafiiskiisa ku sheegin sababta xilka looga qaaday Wasiirka qorsheynta Galmudug, balse wararka ayaa sheegay in Wasiirku uu xilkiisii ku waayay Wareysi uu siiyay Idaacadaha Maxaliga oo uu ku sheegay inay is khilaafeen Guddiga qabanqaabada Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading