Xaafiiska QM Ee Siyaasada (UNSOM) oo ay dhici karto in Magac iyo Awoodo cusub la siiyo

Waxaa jirtay aragti ka dhalatay dib uqiimayn lagu sameeyay Xaafiiska UNSOM Laba Sano ka hor,taasoo oranaysay in loo badalo Ergada Qaramada Mudoobey ee Somaliya.

Ilaa iyo hada dooda aragtidaas,way socotaa,waxaana dhici karta in UNSOM la xiro loona guuro Xaafiiska cusub ee Ergada QM ee Somaliya ama (UN COUNTRY TEAM).

Xaafiiskaas haduu hirgalo,wuxuu noqon doonaa mid Shaqadiisu ay ka duwanaan doonto kan haatan jira ee UNSOM.

Sida uu sheegay Afhayeenka UNSOM,xataa hadii si kama danbaysa loo xiro Xaafiiska Siyaasada QM ma saamayn doono go’aankaas Qaybaha kale ee hay’adaha QM ee ka hawlgala Somaliya.

Si guud BC iyo Somaliduba,waxay isla qirsan yihiin in aysan Somalidu weli gaarin ka maarmida garabgalka dhinacyada badan leh ee QM.

Ergaygii ugu horeeyay ee QM ay usoo dirto Somaliya,wuxuu yimid Wadanka April 1992,waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Sahnuuni,iyadoo uu xiligaas ahaa Xoghayaha guud ee QM Burtuskhali.

Tan iyo xiligaas,waxaa Somaliya ka hawlgalay 17-ergay oo ka kala yimid Afrika,Maraykanka iyo Yurub.

Xaafiiska Siyaasada Somaliya ee QM mudadaii uu hawlgalayay Dowlad dhiska Wadanka,wuxuu u ahaa Udub dhexaad doorka ugu weyn leh.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading