Xaafiiska Siyaasada Somaliya ee Qaramada midoobey oo mudo kordhin loo sameeyay

Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo muddo-kordhin loo sameeyay
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in muddo-kordhin loo sameeyo xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
 
Xubnaha 15-ka ah ee golaha ammaanka ayaa -sidaas oo kale- isku raacay in dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyo howlaha Qaramada Midoobay ee ka socda dalka Soomaaliya.
 
Dhinnaca kale, waxaa golaha uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isaga oo taageeray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya. Waxaana uu goluhu doorashadaas ku tilmaamay mid soo celisay rejadii ummadda Soomaaliyeed.
 
Kordhinta muddada uu shaqaynayo xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya ku jirto xaalad soo-kabsasho ah, taas oo dalka ka dhigaysa mid baahi weyn u qaba taageero caalami ah oo lagu xoojiyo dadaallada loogu jiro dib-u-soo-celinta heybaddii qarannimo ee ku luntay burburkii dowladda Soomaaliya.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Xaafiiska Siyaasada Somaliya ee Qaramada midoobey oo mudo kordhin loo sameeyay"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading