Xaalad abaareed oo ka jirta Degaano katirsan Gobalka Mudug (Daawo)

GOSOL (IDIL NEWS)-Xaalad abaareed ayaa ka jirta Degaano katirsan Gobalka Mudug, kuwaas oo ay haatan soo food saartay Biyo la,aan baahsan.

Degaanada Xaalada Biyo la,aaneed ay soo wajahday ayaa waxaa kamid Gosol iyo Mindhiciraan oo tirsan Gobalka Mudug, Dadka Degaanka ayaana sheegay inay gureen Baraagihii Biyaha oo ay Dadku ku tiirsanaayeen.

Dadka kunool Degaanadaas ayaa ugu baaqay Dowladda Puntland inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaarsiiso Gurmad, maadama xaalada Degaanadooda ka jirta ay tahay mid adag oo aysan u tabar heyn Shacabku.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading