Xaalad deg-deg ah oo looga dhawaaqay dalka Sudan

Jeneral Abdel Fattah Abdelrahman Burhan – oo ahaa madaxa Golaha Sare ee Suudaan – ayaa qudbad uu jeediyay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Sidoo kale, Jeneraal Abdel Fattah ayaa uu kala diray Golihii Sare ee kormeerayay geedi socodka xukunka loogu wareejinayo rayidka, wuxuu sidoo kale kala diray golaha wasiirrada.

Talaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli Milateriga Sudan uu xabsi guri galiyay Ra’isul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk.

Dalka Suudaan waxaa ka jira hubanti la’aan siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Albashiir bishii Abriil 2019.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading