Xabad joojin la dhexdhigo Sraa’iil iyo Xamaas oo suurtageli wayday

Wadahadallo Saddex Maalmood uga socday Magaalada Qaahira saraakiisha sare ee Xamaas iyo wakiillo ka kala socday dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masar,ayaa Talaadadi shalay kusoo dhammaaday guuldarro.

Wadahadallada oo hadafkoodu ahaa in madaxda Xamaas lagu qanciyo heshiis xabad-joojin lix todobaad ah oo laga dhaqangeliyo Qasa,ayaa dhicisoobay xilli ay bisha barakeysan ee Ramadan ay ka hareen Maalmo ka yar Todobaad.

Mareykanka, Qatar iyo Masar,ayaa muddo Todobaadyo ah isku dayaya in ay heshiis Xabad-joojin ah kala dhex dhigaan Israa’iil iyo Xamaas.

Heshiiska hadda lagu guul-dareystay,ayaa dhigayay in Xamaas ay sii deyso dadka ay ka heyso Isra’il, halka Israil ay xabsiyadeeda ka fasaxeyso maxaabiista jilicsan ee Falastiiniyiinta iyo in labada dhinac ay xabbada joojiyaan muddo lix todobaad ah.
Osama Hamdan oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ayaa Talaadadi shalay sheegay, in ay doonayaan xabad joojin joogto ah halka ay ka aqbali lahaa yeen Lix Todobaad iyo sidoo kale in Israa’iil ay Ciidankeeda gabi ahaanba kala baxdo Qasa.

Ku dhawaad Shan Bilood oo dagaal cirka Badda iyo Dhulka ah iyo go’doomin ay Qasa go’doomiyeen Ciidamada Israa’iil ayay Qaramada Midoobay sheegtay in Boqollaal Kun oo dadka Qasa ah ay qarka u saaran yihiin in ay macaluul u dhintaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading