Xabad joojintii Israa’iil iyo Xamaas oo ka badbaaday burbur

Xamas,ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto Saddex Qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay Xabbad-joojinta ka jirta Marinka Qasa.

Xamas,ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta Maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta Qodobbada Xabbad-joojinta.

Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista.

 

Xigasho:-VOA


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading