Xaftar oo taageero uraadsaday Srael

Diyaarad uu leeyahay hoggaamiye kooxeedka Libya ee Khaliifa Haftar ayaa ku degtey in mudo ahna joogtey garoonka Diyaaradaha ee Tel Aviv .

Diyaarada siday Xaftar ayaa ahayd kuwa gaarka ah ee loo yaqaan P4-RMA waxayna ku degtay Ben Gurion Airport iyadoo kasoo kicitintay dhanka Qubrus,

Wiilka uu dhalay Khalifa Haftar ee Saddaam ayaa horay bishii Nofeembar u booqday Israel isagoo taageero ka raadinaya una ballanqaadaya inuu xiriir wanaagsan oo diblomaasiyadeed la yeelanayo haddii ay taageeraan aabbihii inuu Libya madaxwayne ka noqdo, sida uu qoray Wargeyska Haaretz ee Israel.

Khalifa Xaftar, oo ay taageeraan Ruushka, Masar, Imaaraadka iyo dalal kale ayaa sheegta inuu isagu yahay Abaanduulka Ciidamada Libya.

Bishii Abriil ee 2019, wuxuu isku dayey inuu dagaal ku wada qabsado galbeedka Libya isagoo duullaan ku qaaday dowladda la aqoonsan yahay ee Fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli,lknse waxaa dhirbaaxo xun ku dhufatay dowladda la aqoonsan yahay ee Libya oo taageero weyn ka heshay Turkiga.

Hoggaamiye kooxeedka Libya Khaliifa xaftar in badan oo uu u dagaalamayey inuu Xukumo Libya,ugu Dambayn wuxuu taageero u doontay Israel si ay Kursiga madaxnimada Libya ugu fariisiyaan.

WQ.Abdirisak Juba


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading