Xamar Joogis bay kaa rabtaa, Maxay tahay sababta Xildhibaan Abiib loo beegsaday?

Gudoomiyaha golaha Shacabka Faderaalka Shiikh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanadii ka xayuubiyey Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Xaashi Abiib oo ahaa xubin Baaralamaan ee Federaalka Soomaaliya katirsan, si lamid ah sida Golaha wasiirada shaqo ka ceyrinta loogu sameeyo.

Xildhibaankan ayaa qoraalo dhaadheer ka qori jiray habxukunka, Musuq maasuqa iyo eexda kooxda Damul Jadiid ee Xamar fadhida, gaar ahaana warbixino uu kusheegay in uu musuqmaasuq ku dabagalay, sannadkii u dambeeyey ayuu sheegay in fariimo Hanjabaad ah ay madaxda NISA iyo DFS Soomaaliya qaarkood u direen, oo uusan sidaas Muqdisho u tagi karin.

Kursigan #HOP201, waxaa horay ugu fadhiyey Cabdiraxmaan Bayle oo ahaa wasiirka maaliyada Faderaalka, balse hadda kamid ah Lataliyayaasha madaxweynaha Somaliland.

Xasan Shiikh ayaa lagu xasuustaa inuu dilay in ka badan 30 xildhibaan intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2017 kadib markii ay soo saareen musuq maasuq ka dhex jira gudaha Xukuumada.

Amniga Xamar ayaa halis kujira dadka shaaracyada lagu laynayaa, dilalka qorshaysan waxaa duliya NISA iyo Kooxo madax duuba ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading