Xamse in loo diro New York,waxay muujinaysaa waji gabaxa Xasan haysta

Kadib guul darooyinkii is xig-xigay ee dagaalka argagixisada Xasan,waxa uu garow saday in uusan haysan wax uu Beesha Caalamka iyo Shirka Qaramada Midoobay la hor tago,taas badalkeeda raysal wasaare Xamse,ayuu udiray Maraykanka iyo Shirka Qaramada Midoobey.

Xamse oo saaka Muqdisho ka amba baxay ma ahayn wax lagu fakarayay Laba Bilood ka hor aadistiisa Kulankaas.

Fashilka Xasan Shiikh ee hogaaminta Wadanka,ayaa si weyn umuuqda…

1.Siyaasad ahaan Dowladiisu madhaafsiisna Muqdisho oo Siyaasadii Arimihii Gudaha,waa ku fashilmay.

2.Dagaalkii argagixisada ku dhawaad 2-Bilood oo uu waday Hal Degmo laguma qaban,markii Labaad,ayaana jab weyn la gaarsiiyay Ciidankii la galiyay.

3.Dhaqaalihii Wadanka oo meeshii ugu hoosaysay maraya iyo Barnaamijkii Deyn cafinta oo Shafka Dhulka dhigtay.

4.12-kii Qodob ee QM ay horay ugu soo dirtay in uu waxkaqabto haduu rabo in loo tixgeliyo Dowlad dhamaystiran oo caalamku la macmiili karo oo uusan waxba ka qaban.

Saakay in Xamse loo diro New York,waxay muujinaysaa waji gabaxa Xasan soo wajahay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading