Jubaland,waxay xiratay Hawadeeda,iyadoo ka diyaar garoobaysa khatar walba oo Xamar uga imaanaysa.
Xamse oo lasoo canaantay,ayaa damcay Maanta in uu isku soo miidaamiyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo,balse uma suuroobin.
Ciidan 300-Askari ah oo ku hubatsan Baasuukayaal iyo BKM,ayaa Xamse loo diyaariyay in uu Kismaayo la aado.
Maanta 150-Askari oo ka mid ah 300 ee loo diyaariyay Xamse,ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade la keenay,kadibna waa la celiyay.
Dhanka kale wefti Dowladaha Shisheeye mid ka mid ah ka socda,ayaa maalmahan Kismaayo tagaya.
Dowladaas Shisheeye,waxaa udacwooday Xasan Shiikh.