Xamse waa maleh aragti iyo Akhlaaq Siyaasadeed

Haba yaraatee aragti kama leh Dowladnimada,wuxuu mar Labaad ku celinayaa khudbadii Fiqi ka jeediyay Shirkii Doha ee ahayd Dowladnimada iyo Dastuurkaba,waxaa noo keenay Xabashi oo waa tuuraynaa,waxaana samaysanaynaa mid aan leenahay.

Somaliya nidaam hoos laga soo dhisay oo wax lawada leeyahay waxna lakala leeyahay,ayaa ka hirgalay.

Fadaraal,waa lagu liibaanay oo waxaa ku dhismay Gobolkadii,waxaana ku baahay Dowladnimadii iyo adeegii Bulsho.

Waxaa looga badbaaday Hal Qof in uu taliyo oo awaamiirta iyo awoodaha Dowladnimo Hal Xaafiis kusoo ururaan.

Hadii Xamar oo fadhiga Hay’adaha Fadaraaliga ah ay Caawa burburto Wadanka intiisa kale waxba magaarayaan nidaamkuna lama burburayo.

Fadaraalku,waa badbaadada Dowladnimo iyo waxa ugu yar ee Sinjiga Somaliga ah isku weheshan karo.

Balse Qof ku hanaqaaday kalitalisnimo ama baahi uqaba Xukunka,waa dhibayaa Fadaraalku,waxa uuna uyaqaan Dowladnimo Hal Qof iyo Hal Xaafiis.

Xamse waa Nin lasoo korsaday oo lagu shubtay aragti kuna hadaaqaya fikir kooxi leedahay.

Aragtidii Faarax Cabdiqaadir iyo Xasan Shiikh ee la dagaallanka Fadaraalka iyo ka bixinta faham foolxun,ayuu gadayaa.

Damjadiid waxba kama badali karaan Nidaamka Fadaraalka ee Dastuuriga ah.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading