Xamse wax maka qaban karaa Ciidanka DFS ay gaysay Kismaayo Ee dagaalka kasoo baxay?

Tagida Xamse ee Kismaayo hal arin ayay daaran tahay,waxayna tahay Ciidankii ay DFS usoo dirtay Kismaayo si ay qayb uga noqdaan dagaalka argagixisada oo kasoo baxay furimihii dagaalka.

Ciidankaas oo gaaraya 900-Askari,ayaa si habqan ah kusoo gaaray Kismaayo,waxaana layskugu geeyay Buulo-guduud oo 30-KM ujirta Kismaayo.

Kasoo bixi dooda,ayaysan wax mar marsiiya uhaysan oo kaliya ku sheegeen in aysan sii joogi karin Aagaas,waxayse xoguhu leeyihiin Sadex arimood in ay sabab uyihiin diidmadooda dagaalka….

1.Markii hore oo aanba loo keenin si dhab ah in ay dagaalka daacad ugalaan.

2.Balwad saamayn ku yeelatay oo aysan la’aanteed diriri karin.

3.Ciidanka oo ubadan Beesha MW Xasan 90% oo sababtay in aysan ku faraxsanayn ka dagaallanka Jubaland.

Sida aan xogta ku helay JL,waxay qorshaynaysaa in ay dib ugu celiso Muqdisho Ciidankaas oo markii horaba tuhun weyn ay ka qabtay.

Xamse marka laga soo tago igu Sawirta uu rabo in uu ka helo Aaga Dagaalkii udanbeeyay ka dhacay si uu umuujiyo waxuun Shaqo ah hadana waxba kama qaban karo xaalka Ciidankan.

Warar hoose,waxay sheegayaan in Xamse iyo JL ay kala taagan yihiin.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading