Xaqiiqda warka weftiga Maraykanka Ee Bosaso ka baaqday?

Waxaa jiray kulamo dhexmaray Dowlada Puntland iyo Maraykanka,kuwaasoo daarnaa sida loo wada shaqaynayo marka ay timaado dhanka amaanka.

Kulamadaas,waxay dhexmareen MW Deni iyo Safiirka Maraykanka,waxaana lagu heshiiyay…

1.In Maraykanku si toos ah ula shaqeeyo Dowlada PL oo aysan jirin cid si gaar ah ay ula hawlgalaan.

2.In Dowlada PL ay siiso Maraykanka Dhul iyo Ciidan wada shaqayneed.

3.In Dowlada PL ugudbiso Maraykanka arimaha amaan ee ay danaynayso in lagala shaqeeyo oo laga taageero.

Kadib,waxaa lagu ballamay in Laba wefti ay soo dirto Dowlada Maraykanka oo kala ah mid Siyaasadeed iyo mid amni.

Weftiga Siyaasada,waxaa hogaaminaya Safiirka,waxayna tagayaan Garowe dhawaan.

Weftiga Amniga,waxaa la qorsheeyay in ay tagaan Bosaso Saakay.

Weftigaas,waxay soo gudbiyeen xogta safarkooda,waxaana la qorsheeyay goobaha ay booqanayaan iyo cida qaabilaysa…

B.Garoonka Diyaaradaha.
T.Dekeda Bosaso.
J.Talyayaasha Ciidamada,Agaasinka Madaxtooyada iyo Wasaarada Amniga.

Balse,waxaa khalad sameeyay weftiga Maraykanka Sarkaal Ciidan oo ka mid ah,wuxuuna si hoose ula xiriiray PSF oo ka codsaday in ay soo dhaweeyaan una diyaariyaan Gaadiid iyo Ciidan iyo Xarunta lagu shirayo.

Dowlada PL,ayaa markaas kadib xiriir la samaysay Safaarada,waxayna Safaaradu uxaqiijisay in aysan waxba kala socon xiriirkaas shaqana ku lahayn.

Dowlada PL,waxay Safaarada ka dalbatay in weftiga la baajiyo lana saxo khaladka,isla markaana Maraykanku isku laabto,sidaa,ayuu ku baaqday imaanshihii weftiga amni ee Maraykanka.

PSF eed maleh,PMPF eed maleh guud ahaana Dowlada PL eed maleh ee waxaa kala hadlay weftiga Maraykanka oo haatana laga sugayo in ay isa soo saxaan kuna yimaadaan nidaamka Dowliga ah.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading