Xarfo oo yeelatay markii ugu horayssy Isbitaal

Isbitaalkii Guud ee Degmada Xarfo,ayaa xariga laga Jaray waxaana uu ka kooban yahay Goobo Bukaan iyo kuwo Ganacsi.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka oo xarigga ka jaray.ayaa bogaadiyay isku tashiga bulshada Xarfo.


“Waxay ii tahay sharaf iyo wakhti dahabi ah in aan ka qayb galo furitaanka xarunta caafimaadka ee degmada Xarfo ee gobolka Mudug Puntland”.

Hay’ada Wold vision, shacabka degmada Xarfo iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland (MOH),ayaa hirgalinta isbitaalkan iska kaashatay,waana markii ugu horaysay oo Xarfo yeelatay Isbitaal.

Dhismayaasha isbitaalku ka kooban yahay,ayaa kala ah 18-Qol, 4 -Suuli, meel Baabuurta la dhigto iyo Maqaaxi.

Isbitaalka cusub ee Degmada,ayaa ah mid baahi xoog leh loo qabay,isla markaana la rajaynayo in uu dabooli doono baahida caafimaad ee Degmada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading