Xarumaha Imtixaanaadka Puntland oo la shaaciyay

Wargalin.

Xarumaha Imtixanaadka Gobolada iyo Degmooyinka ay ku galayaan Macalimiinta Dugsiyadda hoose/Dhexe ee Puntland.

Sida qorshuhu yahay waxaa subaxa Sabtida ah ee 22 ka bisha bilaabanaya imtixaankii qorshaysnaa ee Macallimiinta dugsiyada hoose dhexe ee Puntland.

Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan macallimiintii isdiiwaangalisay inay u diyaargaroobaan imtixaanka horena usoo qaato macallin kasta 2 sawir oo teesare ah.

Imtixaanku waxa uu ka dhacayaa 12 degmo oo kala ah:

Galdogob dugsiga Caynushamsi.

Galkacyo dugsiga Cumar Samatar.

Burtinle dugsiga H/dhexe ee Burtinle.

Garowe dugsiga Darwiish.

Dangoroyo dugsiga Kalyaxeed.

Qardho xarunta gudoonka Waxbarashada Gobolka.

Carmo dugsiga Xaaji Salaad.

Bosaso Dugsiga saree ee Boosaaso Public.

Dhahar dugsiga Mubaarak.

Xiingalool dugsiga Liibaan.

Badhan dugsiga Bilan.

Buuhoodle dugsiga Tahriir Ooglo.

Waxaa la farayaa macallimiinta u fariisanaya imtixaankaas in aysan lasoo galin xarumaha imtixaanka wax telefoon ah ama aalad kale ah.

Wixii faahfaahin oo dheeraad ah kala xiriir xafiisyada gudoomiyayaasha Waxbarashada ee gobollada

Mahadsanidiin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading