Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Somaliya Saalax Axmed Jaamac,ayaa ka qeyb galay munaasabadda dib u wareejinta xarunta Qaran ee how-gallada gurmadka deg-degga ah oo lagu wareejiyay Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee (SODMA).

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka,ayaa tilmaamay in hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) la Aas-aasay sannadkii 2011, iyadoo dib loo howl geliyay kadib markii la dhisay xukuumadda Dan-Qaran.

Ujeeddada loogu daray,ayuu ra’isalwasaare xigeenku ku sheegay in ay tahay ah sidii sare loogu qaadi lahaa loona midayn lahaa dadaallada maaraynta masiibooyinka iyo arrimaha gurmadka deg-dega ah.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.