Xarunta la dagaalanka iyo la socoshadda Ayaxa ee Puntland oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Magaalada Qardho, waxaa maanta si rasmi ah daahduray bilawgga dhismaha xarunta la dagaalka Ayaxa iyo la socoshaddiisa, waxaana ka qaybgallay Gudoonka Degmadda Qardho iyo Kan Gobolka Karkaar, Wasiiradda Deegaanka iyo Beeraha ee Puntland iyo DFS, Xildhibaan Axmed daad iyo Xaamud iyo Masuuliyiin kalle.

Dhismaha Mashruucaan waxaa ku guuleystay Shirkadda Habays Construction Company, waxayna u dhisi-doontaa hab casri ah, Sidoo kalle dhismahaan ayaa lagu dhamaystiri doonaa waqti kooban.

Masuuliyiinta Dawladda ayaa Bogaadiyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna uga mahad-celiyeen sidda ay u dedejiyeen dhismaha mashruucaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading