Muuqaal:-Xasan Cali Khayre oo lagu soo dhaweeyay Nairobi

R a’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya,ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada Dawladood.,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading