Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore ahna Musharax Madaxweyne uu hoygiisa ku soo booqday, isla markaana cudur daar ka bixiyay weerarkii 17 december 2017 lagu qaaday gurigiisa.
“Waxaa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017″ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee ku lug lahaa weerarkaas inay ka faa’ideystaan fursadan oo ay weli u furan tahay.
Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa booqday hoyga Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, isagoo meesha ka saarayay wixii mad madow ah ee jiray intii uu hayay xilka Ra’iisul Wasaaraha oo mucaaradka ka tirsanayeen dhibaatooyin kala duwan oo Xukuumaddiisa qeyb ka aheyd.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.