Xasan Sh.ma uhirgeli doontaa riyadiisa badalida Qoor-qoor?

Kooxda Xasan la shaqaysata intooda badan ma rabaan Mahad Salaad in lagu badalo Qoor-qoor oo qaybna Beel ahaan ayay udifaacanayaan,qaybna sidooday Mahad udiidan yihiin.

Ujeedooyinka Dhuusamareeb loo tagey,waxaa ka mid ah in Mahad Salaad loo diyaariyo Madaxweynaha Galmudug oo sumcad loo sameeyo,iyadoo loo marayo weerarka Ceel-buur.

Madaxweyne Qoor-qoor,ayaa ka hor yimid in Maleeshiyada Ceel-buur loo jihaynayo uu hogaamiyo Mahad Salaad,waana sababta Xasan ugu deg-degay Dhuusamareeb,isagoo Libin udiidaya Qoor-qoor.

Ceel-buur way geli karaan Maleeshiyada loo dirayo,sababtoo ah qorshaha dagaal ee argagixisada kuma jiro dagaal ka fool ka fool ah oo waa ubanaynayaan,kadibna waa ka hawlgalayaan sida horay uga dhacday Dhul badan oo la sheegay in la xoreeyay.

Dagaalka Xasan ufadhiyo Dhuusamareeb ma guulaysan doono marka laga soo tago Maalmo Indhaha Bulshada la jahwareeriyo,sababtoo ah…

1.Maleh qorshe hawlgal oo diyaarsan.
2.Maleh diyaar garow farsamo oo macno leh.
3.Maleh qorshe fog oo istiraatijiyadeed.

Hadafka laga duulayo waxuu la micno yahay (Roob Kablakac ah).

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading