Xasan Sh oo caqabad ku ah in Somaliya hogaamiso Baarlamaanka Aduunka

Waa nasiibdarro in Xasan Shiikh dhabar jabiyo,iyadoo inta badan Dowladaha Afrika oo ay ugu danbaysay Jabuti ay taageereen Musharaxnimada Xil.Marwo oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlmaanka Fadaraalka Somaliya.

Xil.Marwo,ayaa usharaxan Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka,waxayna soo gashay Wareega Afarta Qof ee la kala dooranayo.

Sanadkan,waxaa leh Madaxweynanimada Baarlamaanka Aduunka Afrika,siiba Geeska,waxaana loo rabaa Gabar,waxaana ku tartamaya Xil.Marwo iyo Laba Gabdhood oo Kenya iyo Tansaaniya ka socda.

Baarlamaanka Somaliya,waa garab istaagay Marwo,balse,waxaa dhabar jabinaya Xasan Shiikh ,waxuuna taageeray Gabadha ka socota Tansaaniya,isagoo ka duulaya Laba arimood oo kala ah…

1.Tansaaniya oo uu degan yahay kuna leeyahay Guri iyo Ganacsi.

2.Xil.Marwo oo kasoo jeeda PL.

Waxaa la yaab leh Madaxweynihii Somaliya oo taageeraya Gabar Tansaaniyaan ah,iyadoo Gabar Somaliyed oo matalaysa Somaliya ay sharaxan tahay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading