Waa wakhti lumis iyo waxaan socon doonin oo laga laaban doono.
Gudiyada iyo Xeerarka Sharcidarada lagu meel marsanayo halkay ka Shaqayn doonaan?
Filim lasoo daawaday oo la yaqaan sida ooga hor imaan karo iyo natiijada kasoo baxaysa,ayuu Xasan isku daalinayaa.
Ma waxay la tahay,wixii Farmaajo laga diiday in isaga laga yeelayo?
Si ka macquulsan,ayuu wax ku raadsan karay oo waliba ku samayn karay taariikh isaga iyo Beeshiisu Somalida ku dhex yeeshaan.
Qabyaalada ku jirta si qurux badan oo waxtar ah,ayuu u adeegsan karay oo ugu ficiloon karay kuna muujin karay wanaag.
“Xildhibaanada Sharafta leh,
Barri oo *Arbaco* ah taariikhduna tahay 13.11.2024, waxaa jira kulan Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
*AJENDAHA*
– Akhrinta 2aad: Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Soohdimaha
Goobta: Villa Hargeisa.
Wakhtiga – 9:00 subaxnimo.
Waxaa laga Codsanayaa Xildhibaanada Sharafta leh in ay ilaaliyaan waqtiga
Mahadsanidiin.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.