Xasan Sheekh oo baaq kasoo saaray dagaalka Guriceel

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la,aan ah loo joojiyo dagaalka ka soconaya magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.

Halkaan hoose ka Akhriso qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhigay bartiisa Facebook.

BAAQ NABADEED

Xaaladda Galmudug

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.

Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.

Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.

Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.

DHAMMAAD

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading