Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan dalka Qatar

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay casuumaad, waxaana ka la filayaa in ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga iyo siyaasadda.

Waa safarkii uu uga horeeyay oo uu Doha uu ku tagayo Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii dib loogu doortay xilka 15kii May, 2022. Qatar ayaa xiriir wanaagsan la laheyd dawladdii Madaxweyne Farmaajo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading