Xasan Shiikh iyo Aadan Madoobe oo Kenya uwada safray

Aadan Madoobe iyo Xasan Shiikh midba gaar kiisa,ayuu Kenya ugu safray,waxaase cajiib ah inay garoonka Muqdisho isku arkeen Gudoomiye Aadan madoobe iyo Xasan Shiikh.

Aadan Madoobe wuxuu ka qayb galayaa Shirka Gudoomiyayaasha Baarlamaanka Wadamada East Afrika,kadibna Shirkaas markuu ka qayb galo mudo 7-8 maal mood ah,ayaa uqorshaysan in uu Kenya sii joogo.

Sidoo kale Xasan Shiikh,ayaa safarkiisa isna waxa ugu muhiimsan ay tahay in uu Wiliam Rutu kala hadlo arimahii Dawlada Maraykanka uu kala soo kulmay,si gaar ah fariintii uu usii dhiibay bal jawaabta uu kala soo kulmay in aan Ciidanka ATMIS la saarin iyo Sidoo kale heshiisyo gaara oo Dan shaqsi quseeya oo Xasan Kenya kula heshiiyay.

Kenya waxaa kuwada sugan dhamaan Xubnahii Baarlamaanka iyo Madaxdii maamulka Muqdisho fadhiya,kaasoo Shir iyo saxiix inuu ka qayb galo maahane wax kale shacabka iyo Danta dadka ay Magacooda ku qaraabtaan aan u ahayn.

FG.

Majiraa hal mashruuc oo Dan shacab ah oo lafuliyay mudadii Labada Sano ahayd?

1.ISkuul.
2:Isbitaal.
3.Wadooyin.
4:Garoomo Diyaaradeed.
5.Dekado Dalkaan lagusoo Kordhiyay.

Dawladi,waa mida fulisa Himilada iyo mabaadiida Shacabka,waana intaas waxay Dowladii Shacabkeeda uqabato.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading